naf fur
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Naf fur
Rain spell

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affur
(Affur-ka)
Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affur
affur¹: m.l 1. Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad. 2. la-mid: affurid.
affur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Soonka jebin. 2. Cunnada affurka cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafhur
nafhur¹: m.l la-mid: nafhurid.
nafhur²: f.mg1 (-ray, -rtay) U n.: Qof ama wax dartii naf u hurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nafhur
f.mg1 (-ray, -rtay) U n.: Qof ama wax dartii naf u hurid. m.f.dh, nafhurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nafhur
v. sacrifice oneself (for someone ~ something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafhur
(fal) nafta u bixi qaddiyad aad rumaysan tahay ama wax aad jeceshahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nafhur
de: sacrifice oneself (for s.o. ~ s.t.) With preposition u
lx: nafhur
pd: (nafhuray)
ps: v1=intr
key: nafhur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqfur
-ka: (magac lab kel) hakasho roobku joogsado oo maalmo uu cirku bilaa daruuro noqdo. Maanta roobku waa naqfur oo cadceedbaa jirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afur
afur¹: m.l la-mid: affurid.
afur²: f.mg1 (-ray,-rtay) la-mid: affur².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afur
afur¹: m.l 1. Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad. 2. la-mid: afurid.
afur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Soonka jebin. 2. Cunnada afurka cunid. m.f.dh, afurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afur
m. n. meal eaten after sunset to break the fast of Ramadan
afur v. break one's fast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afur
-ka: (n) 1. the food eaten after sunset in the month of Ramadan. 2. breaking one's fasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afur
(fal) soommanaan dabadeed, wax cun. Iska afur haddeed cadceeddu way dhacdayo.
afur: (fal) waaberiga hore, cunto cun.
afur-ka: (magac, lab, keli) adoo sooman wax cunid ama cabbid; soon jebin.
afur -ka: (magac, lab, keli) cuntada aroorta ugu horrynta la cuno ama soonka lagu jebiyo. Afurku maanta waxa uu ahaa laxoox. Dh: afbilaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabur
-ka: (magac, lab, keli) eeg nabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nafar
(Nafar-ka)
Qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafar
m.l 1. Hal qof. 2. Cunto bisil oo hal qof deeqda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nafar
m. n. person, individual; serving ~ portion of food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafar
-ka: (magac, lab, keli) qof keli ah. Dadkii nafar ma joogo. Dh: naafaq.
nafar-ka: (magac, lab, keli) in qof qudha ku filan oo cunto ah. Anu nafar bariis ah kama badsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nafar
bw: Arabic
de: person, individual; [ext.] serving ~ portion of food (sufficient for one person)
lx: nafar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: qof
key: nafar
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
AF BUQ
Commiphora gowlello 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbuur
afbuur¹: m.f.dh la-mid: afbuurid.
afbuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Caro ama isla weyni la aamusid; afuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afbuur
v. hold a grudge; become silent because of anger ~ contempt; be in a bad mood
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afbuur
de: hold a grudge; become silent because of anger ~ contempt; be in a bad mood
lx: afbuur
pd: (afbuuray)
ps: v1=
key: afbuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affuri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dad ama qof soomman affuro siin. 2. Soon ka jebin. la-mid: affursii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftuur
aftuur¹: m.l la-mid: afxir¹.
aftuur²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: afxir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badfur
(Badfur-ka)
Xilliga baddu deggan tahay oo waxa shiraaca ku dhoofa ay u furan tahay; (ama badfuran).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badfur
m.l (juqraafi) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. la-mid: badfuran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badfur
m.l (juqraafi) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. la-mid: badfuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badfur
m. n. season in which the sea is calm and favorable for sail boat navigation; north east monsoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badfur
-ka: (magac, lab, keli) marka aanay baddu lahayn dabayl iyo hirar kacsan. Xilligii badfurka ayaa la gaadhay. Dh: badfuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badfur
a: badfuran (ka)
de: season in which the sea is calm and favorable for sail boat navigation; north east monsoon Lit: open sea
lx: badfur
pd: (-ka)
ps: n2-m-time
key: badfur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'fur
da'fur¹: m.l 1. Ratigu marka u qooqbaxo. 2. la-mid: da'furid. Ka baabi'idda qooqu ka baaba'o awr.
da'fur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qooq ka bi'id (awr).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'fur
(fal) awr, qooqa jooji ama fur. Dh: qooqfur. Li: qooq.
da'fur -ka: (magac, lab, keli) qooqjoojinta awrta. Inta uu awrku da'furka ku jiro laylya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gaffer
gaffer, v. - la khaldamo; khaldamid; gafid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gafuur
(Gafuur-ka)
Wejiga qaarkiisa hore oo soo yuuban oo nafleyda qaarkeed leedahay: waxaa ku yaal afka, sanka; ...; af.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafuur
m.l (-rro, m.dh) Afka iyo sanka nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gafuur
m.l (-rro, m.dh) Afka iyo sanka nafleyda. gafuurtaag¹: m.l Kibir iyo isla weyni wajiga ka muuqda.
gafuurtaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Kibir iyo isla weyni weji ka muujin. m.f.dh, gafuurtaagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gafuur
m. n. area around the mouth; (animal's) muzzle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gafuur
-ka: (n) 1. snout (isnawt); animal's snout; muzzle (maz-zel); 2. [informal] human mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafuur
-ka: (magac, lab, keli) labada fuq ee afka iyo hareerahooda. Dh: fuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gafuur
de: area around the mouth; (animal's) muzzle
lx: gafuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gafuur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is fur
v. divorce
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafur
-ka: (magac, lab, keli) eeg kaafir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafgur
-ka: (magac, lab, keli) eeg lafagur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naadur
-ta: (magac, dhedig, keli) timo yar oo faruurta hoose hoosteeda ka soo baxa gaar ahaan ragga gadhka leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqur
-ta: (magac, dhedig, keli) dabada inta saxaradu ka soo baxo. Dh: dubur, futo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naduur
m.l (-rro, m.dh) Waabka birtumuhu fariisto oo birta ku farsameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naduur
-ka: (magac, lab, keli) waabka birtumuhu fariisto oo birta ku farsameeyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naftir
naftir¹: m.l N.kayga, n.kaaga, iyo wixi lamida: israacinta nafley dhaawac ah la israaciyo.
naftir²: f.g1 (-ray, -rtay) Dhaawac israacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naftir
m. n. self, oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naftir
ka: (n) self (salaf). Ex: naftirkiisa; himself. naftirkayga; myself. naftirkeeda; herself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naftir
-ka: (magac, lab, keli) kayga aniga ama adiga qudhaada. Naftirkaaga ayaan hadalkaa kaa maqlay: Dh: naftar, laftar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naftir
de: self, oneself
lx: naftir
pd: (-ka)
ps: n-m
xe: yourself
xv: naftirkaaga
key: naftir
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nageur
nageur, n.m. - Qofka dabbaasha.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
af guri
-ga: (n) dialect (daaylekt) colloquial (kolokwi) ~ lahjad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabfur
-ka: (magac, lab, keli) sixir iyo fal horey la isugu dhigay furiddii; sixir iyo baab hore, wax ku akhriyid oo burin. Baabfur iyo dabiib culimo loo yeedho, Eebbe waa bogsiin karaa, bukaan baaddil lagu baabay. Dh: sixirfur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifur
(fal) cid aad ballan wada lahaydeen, kaga bax. Dh: badhifur, baaji. Li: fuli.
barifur -ka: (magac, lab, keli) kaga baxidda ballan aad cid lahaydeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahfur
-ka: (magac, lab, keli) arrin qarsoonayd oo la soo bandhigayo. Daahfur buu ku sameeyay buugii uu qorayay. Dh: bandhig.
daahfur-ka: (magac, lab, keli) wax qarsoonaa, oo cilmibaadhis lagu ogaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabafur
(Dabafur-ka)
Banatiikhdii hore jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabafur
dabafur¹: m.l 1. (-rro, m.dh) la-mid: dabakafur. 2. Khiyaamo; dhagar. 3. la-mid: dabafurid.
dabafur²: f.g1 (-ray, -rtay) Xog qof u qarsoon kashifid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabafur
m.l 1. (-rro, m.dh) la-mid: dabakafur. 2. Khiyaamo; dhagar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabafur
m. n., [compound] musket, old-fashioned rifle
dabafur v., [compound] open something at the back; reveal, give (a secret)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabafur
(fal) cid ballan aad isku ogaydeen kaga bax. Dh: badhifur, wacadfur.
dabafur -ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah hubkii hore ee lagu dagaallami jiray oo gadaal ku lahaa meel laga furo oo laga cabbeeyo. Awoowo wuxuu lahaan jiray dabafur. Dh: dabakafur.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gaffeur
gaffeur, n.m. - qofka dadka u gafa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalafur
Dissociation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafagur
vl. n. dissection, analysis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lafagur
-ay / tay: (v) 1. dissect (disakt); cut apart and separate the bones. 2. examine (igzaamen); analyse (analaayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafagur
(fal) qof lafaha madaxu jajabeen, kab oo lafaha kala gur.
lafagur: (fal) arrin gorfee oo ka baaraandeg. Xaajadu way adag tahaye, aad ha loo lafaguro.
lafagur -ka: (magac, lab, keli) kabidda jabka lafaha aadka u kala data, siiba kuwa madaxa.
lafagur -ka: (magac, lab, keli) arrin, si wanaagsan oo xeeldheer uga hadlid. Dh: falanqayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafagur
de: dissection, analysis Alt sp: lafaggur
lx: lafagur
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: lafagur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafogur
vl. n. surgery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafogur
(fal) eeg lafagur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafogur
de: surgery
lx: lafogur
pd: (-ka)
ps: vn2-m
see: lafaggur
key: lafogur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marafur
m.dh Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban oo wax lagu dhisto, waxna lagu daaweeyo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MARAFUR
[MIRAFUR, MURAFER] Boswellia neglecta 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marafur
-ta: (magac, dhedig, keli) geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban oo wax lagu dhisto, waxna lagu daaweeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafhure
-ha: (magac, lab, keli) qof noloshiisa u quudha qadiyad uu rumaysan yahay. Soomaaligu diinta wuxu u yahay nafhure. Dh: naftiihure.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bad furan
Bat furan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bat furan
Bad furan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naftihure
m.l (-rayaal, m.l/dh) N. ah: qof naftiisa u hibeeya difaaca dalkiisa, dadkiisa, dantiisa iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naftihure
m.l (-rayaal, m.l/dh) N. ah: qof naftiisa u hibeeya difaaca dalkiisa, dadkiisa, dantiisa iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naftihure
m. n., [compound] martyr, one who sacrifices his life; brave man, volunteer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naftihure
de: martyr, one who sacrifices his life; [fig.] brave man, volunteer
lx: naftihure
pd: (/ha Pl: naftood-hurayaal (/sha))
ps: n7-m-cmp
key: naftihure
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
naftihure
شهید